Inta la ogyahay 3 ruux ayaa ku geeriyootay dhowr qof oo kalena waa ay kudhaawacmeen kadib Madaafiic maanta kusoo dhacday Suuqa Bakaaraha.
Hoobiyeyaashaasi ayaa waxa ay kusoo dhaceen Suuqa gaar ahaan qeybta Daawada iyo Shidaalka, waxaana halkaasi ka kala cararay Dadkii halkaasi ku ganacsanayay.
Sidoo kale, iska horimaadyo u dhaxeeyay Maleeshiyada dowladda KMG iyo xoogaga kasoo horjeeda ayaa ka dhacay nawaaxiga suuqa Khudaarta ee Bakaaraha.
Dhaq dhaqaaqii ganacsi ee Suuqa Bakaaraha ayaa hakad galay guud ahaantiisa, waxaana hakadka uu galay kadib markii Hoobiyeyaasha ay kusoo dhaceen Suuqaasi, waxaana albaabada la isugu dhuftay suuqaasi.
Ma ahan markii ugu horeeyay oo SUuqa Bakaaraha ay kusoo dhacaan Madafiic waxyelo ba’an geysta iyadoo horey Dowladda Federaalka iyo Kooxaha kasoo horjeeda ay eedeyn isku soo jeediyeen iskuna eedeeyay in ay Bakaraha Duqeeyeen.