header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Dawladda Itoobiya oo iska diiday in ay ka danbeysay Duqeyntii Suuqa Bakaaraha ee dadka ay ku gumaday.

Your Ad Here

By Anwar Thabit on December 15,2024

Xukuumadda dalkaasi Itoobiya ayaa gaashaanka u daruurtay wararka ku aadan in Ciidamadeeda ku sugan gudaha magalaada Muqdisho ay masuul ka ahaayeen weerarkii duqeyntii ahaa ee lagu qaaday Suuqa weyn ee Bakaaraha halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 14 qof oo rayid ah.

 


La taliyaha R/Wasaaraha dalkaasi Barakaat Simon ayaa sheegay in dawladda Itoobiya aysan masuul ka aheyn falka noocaasi oo kale ah isla markaana aysan jirin wax tallaabo ah oo ka dhan ah rayidka oo ay qaadeen.


Simon waxa uu si kulul u diiday in warbaahinta qaarkood ay Itoobiyaanka u saariyeen weerarkaasi waxaana uu sheegay in Kooxaha Hubeysan ee kasoo horjeeda ay dhankooda adeegsadaan hoobiyeyasha noocaasi oo kale ah.


Hadalkaasi ayaa kasoo yeeray Barakaat Simon Xilli dhamaan Umadda Somaliyeed ay hubaan in weerarkaasi ay masuul ka ahayeen Itoobiyaanka isla markaana aysan Kooxaha hubeysan wax dan ah ka laheyn in ay garaacaana Suuqa weyn ee Bakaaraha.


64 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 0 votes)
Comments (0 posted)
Your Ad Here
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author
image

Abdihafid Abdisamad

Best narretor