Ciidamada Wadanka Uganda oo laga soo sagootiyay Wadankooda ayaa loosoo dhiibay dar daaran sida ka muuqata uu shaki kudheehan yahay iyo cabsi.
Madaxweynaha Wadanka Uganda Yoweri Moseveni oo khudbad dheer u jeediyay Maalintii shalay Ciidamadiisa oo kasoo baxayay Wadankaasi ayaa u sheegay in ay yihiin iyaga keliya tababareyaal oo aysan aheyn kuwa hubka ka dhigaya maleeshiyaadka Soomaalida ah.
" lasocda Uma socotaan in aad hubka ka dhitaan maleeshiyooyinka Soomaalida, laakiin waxa aad u socotaan in tababar aad siisaan ciidamada militariga Soomaaliya dadka Somaliyeedna aad u taageertaan sidii Nabad ay ku heli lahaayeen oo iyaga dhexdooda ay hubka iskaga dhigi lahaayeen" ayuu yiri Madaxweynaha wadanka Uganda.
Madaxweyne Moseveni ayaa intaasi u raaciyay Ciidamadiisa in aysan dooneynin in ay fara geliyaan Arrimaha Soomaaliya ka taagan gaar ahaan isheysadka Soomaalida dhexdooda ah oo keliya laga doonayo hawsha loo diray in ay kasoo dhalaalaan.
Khudbaddani ayaa muujineysa cabsida ka muuqato Madaxweynaha Wadanka Uganda taasi oo muujineysa in uusan kalsooni ku qabin Ciidamadiisa uu u soo dirayo si ay nabadda uga qeyb qaataan, waxaana jirta in uu si aad ah uga cabsi qabo in Ciidamadiisa ay weerar kala kulmaan Kooxaha Muqaawamada ee Soomaaliya kasoo ifbaxday.