Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee AMNESTY International ayaa ku eedeysay Dowladda Kenya in ay si cad ugu tumanayso Xuquuqda Qaxootiga Soomaalida ah ee ku go'doonsan xadka wadankeeda.
Warbixin ay soosaartay AMNESTY ayaa lagu sheegay in Dowladda Kenya, ay si xaquuqul Aadamiga ka baxsan uladhaqantay Kumanaan Qaxooti Soomaaliyeed ah oo ka cararay Gobalada dalka Somalia gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah, ka dib mushkiladaha Somalia oosii cuslaaday, islamarkaana ay xadkeeda kaxiratay.
AMNESTY International, waxa ay sheegtay in Kenya ka horintii aysan xiran Xaduudkeeda ay gaboodfalo aadu daran kulakici jirtay Dadka, iyadoona ay AMNESTY ku eedeysay sidoo kale in ay Jildilo daran, xanibaad iyo fara xumeyn xun kula kacday qaxootiga Soomaaliyeed, isalamarkaana gaajo iyo haraad daran uu asiibay.
Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee AMNESTY International, ayaa ugu baaqday Dowladda Kenya in ay si deg deg ah u furto xadka ay lawadaagto Somalia, islamarkaana ay xirooyin qaxooti u sameyso Kumanaanka qoys ee banaanada ku dhibaataysan.