header Home |
Search the Site   Advanced Search »
Somali BBC
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031

Newsletter
Subscribe to newsletter:
Somali Links



Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo kujeeda Dalal Carbeed oo Kuweyt ay kamid tahay iyo Ciidamo Puntland kayimid oo Baydhabo iyo Muqdisho kusoo jeeda.

By on March 02,2025

image

(Exclusive News)  Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa dhowaan la filayaa in uu u duulo dhanka qaar katirsan Wadamada Carabta ah.

 Dalalkani uu u safaryo Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah sida illaa iyo iminka la xaqiijnayo dalka Kuweyt iyadoo wadanka Qatar-na la sheegayo in uu dhowaan uu gaari doono inkastoo wararkaasi aanu weli laga helin Madaxweynaha iyo Afhayeenadiisa.

 Wadamadani uu Booqanayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Qorsheyaasha uu kusocdo ayaa ah kuwa uu kawada qariyay Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu Maalintii shalay u sheegay in uu safar deg deg ah aadi doono.

 Lama garanayo sababta keentay safarkaasi deg degga ah hayeeshee wararka qaar ee soo baxaya ayna heleyso Shabakadda Ogaal.net ayaa waxa ay sheegayaan in ay tahay sidii looga soo dhaadhicin lahaa Dowladda Federaalka in ay wada hadal lagalaan Maxkamadaha Islaamiga ah si aysan caqabad ugu noqon Dowladdani Cusub sida waxa kasoconaya Ciraaq iyo Afganistan oo qaska iyo fawdada ay kusoo kordhayaan.

 Horey ayuu u sheegay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf in uusan wax wada hadal ah la geli doonin Maxkamadaha Islaamiga madaama aysan jirin meel ay ku dambeeyaan hayeeshee waxa uu sheegay in Mas’uuliyiintii Maxkamadaha ay u haboon tahay in beelahooda ay dhinac kasoo raacaan oo ay wax ku qaataan Magaca Beelahooda.

 Si kastaba ha ahaatee xeeldheereyaasha Siyaasadda ayaa sheegaya in haddii wax wada hadal ah aanan lala galin Golaha Maxaakimta in Soomaaliya ay ka dhalan doonto balaayada ka taagan Ciraaq iyo Afganistan oo kale maadaama Maxkamadaha Islaamiga inta badan shacabka Soomaaliyeed ay horey u siiyeen Tababar oo Qof waliba oo Soomaali ah maanta wuxuu awood u leeyahay in qoriga ugu yar ee AK47 in uu ku dagaalami karo isla markaana hagaagsan karo hadduu ka ciladoobo.


45 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 0 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author