header
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

DHAAWACYADA HALISTA AH EE DAGAALKII MUQDISHO OO LAGU DAWEYNAYO JABUUti

By b1laajo on May 06,2025

Qaar ka mid ah Dadkii ku dhaawacmay dagaaladii xanuunka badnaa ee dhawaan ka dhacay caasimadda oo shalay laga duuliyey Garoonka Muqdisho ayaa haatan lagu daweynahaa wadanka Jabuuti.

Dhaawacyada loo qaaday Dibadda oo gaaraya ilaa 17-qof ayaa dhaawacoodu uu yahay mid halis ah waxaana ku jira Caruur aad u yar yar oo dhaawacooda wax looga qaban waayey Isbitaalada Muqdisho.

Dowladda Jabuuti ayaa deeq caafimaad u fidisay bukaanada ugu daran ee la irdaran dhaawacyada dagaaladii lagu hoobtay ee bishii tagtay hareeyey Caasimadda.

Afhayeen u hadlay Dowladda Jabuuti ayaa ku waramay in Wasiirka Caafimaadka Jabuuti Cabdalla C/llaahi uu dadkaasi dhaawaca ah si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Jabuuti isagoo dadkii dhaawaca ahaa u kala qeybiyay Isbitaalada waa weyn ee dalkaasi.


143 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 2 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed