header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Dowladda Masar oo Ku baaqday Deg deg Somaliya in looga saaro Itoobiyaanka,isla markaana wado kaliya lagu raadiyo xalka Somaliya.

By bilaajo1974 on November 12,2024

Dawladda Masar ayaa ugu baaqday QM,Jaamacadda Carabta,Midowga Afrika iyo Ururka Mu'tamarka Islaamka in ay u duubtaan sidi deg deg dalka Somaliya looga saari lahaa Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan gudaha dalka Somaliya.

 


Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda dalkaasi Masar Xasaam Zaki ayaa u sheegay warbaahinta in Xukuumadda Qaahira ay aad uga xun tahay dhibaatadii shacabka Somaliyeed kasoo gaartay howlaha ay Itoobiyaanka ka wadaan magaalada Muqdisho.

Afhayeenku waxaa uu ku booriyay dhinacyada gobolka iyo beesha Caalamka in ay ku dadaalaan qaabkii Somaliya loogu raadi lahaa xal aan aheyn joogitaanka Somaliya ee Ciidamada Itoobiyaanka,si looga gudbo mashaakilka taagan.

 

Xukuumada Masar ayaa marki ugu horeysay qirtay in dhibaatooyinka ka taagan Somaliya ay masuul ka yihiin Ciidamada Itoobiyaanka hadii iyaga ay dalka ka baxaana ay suuragal noqon kareyso in markaasi la qaboojiyo xaaladaha jira.

 

Waa markii ugu horeysay oo Xukuumad Carbeed ay shaaciso in ay kasoo horjeedo Joogitaanka Itoobiya ee Somaliya iyadoona ay wadamada Carabta ay arrimaha Somaliya ka aamusnaayeen wixii ka danbeeyay markii Itoobiya ay soo galeen Somaliya.

 


304 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 6 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author