Gudoomiyaha Isbaheysiga Xoreynta iyo dib usoo nooleynta Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna hogaamiyaha Maxaakimta Islaamka ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu si cad qeyb kaga yahay duulaanka dalka ay ku qabsatay Itoobiya.
Sheekh Shariif oo wareysi gaar ah siiyay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in ay hubaan Mareykanku in uu u kaashanayo Cadowga Somaliya si Umadda uu jilba jibi lahaan isla markaana diintooda looga fogeyn lahaa.
Gudoomiyaha Isbaheysiga Xoreynta waxaa uu sheegay Mareykanku in uu dowr muuqda ka cayaarayo hurinta Colaadaha Somaliyeed isla markaana uu hadba siyaasadda dalka meelba mar u rogayo.
Sheekh Shariif waxaa uu si cad u sheegay is casilaadii dhawaan ee R/Wasaarihii Somaliya Cali Max'ed Geedi uu masuul ka ahaa Mareykanka isla markaana ay arrimahasi ka danbeeyaan ulajeedooyin siyaasadeed.
Mar uu soo hadal qaaday xaaladda dhulka ee Somaliya ayuu wadaadku u sheegay Reuters in aysan shaki kaga jirin Itoobiya in ay dalka ka saari doonaan iyagoo awood adeegsanaya isla markaana kaashanaya Ilaahooda Weyn.