header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (1 posted)

Dagaalyahanno la rumeysan yahay in ay katirsan yihiin Golihii Maxaakimta oo la wareegay Degmada Buuloburde.

Your Ad Here

By Boondheere Boondheere on December 08,2024

Wararka inaga soo gaaraya degmada Buuloburde oo katirsan Gobolka Hiiraan ayaa wax ay sheegayaan in halkaasi ay la wareegeen Dagaal yahaanno la rumeysan yahay in ay katirsan yihiin Golihii Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed.
Dagaalyahannada ayaa kadib markii ay la wareegeen Buuloburde waxa ay Ciidamada Maamulka Degmadaasi goobta isaga cararay sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaankaasi, Dagaalyahannada ayaa lagu soo waramayaa in ay hareereeyeen goobihii ay kusugnaayeen Maamulka Degmadaasi.
 
waxaa jira in durba ay bilaabeen in ay muxaadarooyin kasoo jeediyaan goob fagaare ah iyaga oo u sheegayay dadka degmadaasi in aysan wax wal wal ah qaadin oo ay isdejiyaan isla markaana ay iyagu yihiin oo keliya dad walaalahooda ah.
 
waxaa jira warar sheegaya in qaar kamid ah mas'uuliyiintii degmadaasi ay halkaa isaga carareen inkastoo illaa iyo iminka aanan weli la xaqiijin cid ay xir xireen oo katirsan mas'uuliyiinta degmada Buuloburde, waxaana ay sii daayeen sida wararka aanu ku heleyno guud ahaan maxaabiistii ku xirneyd xabsiga kuyaalla buuloburde.
 
illaa iyo iminka mjirto cid katirsan mas'uuliyiinta dowladda oo arrintani ka hadashay, waxaana lagu soo waramayaa in ay bilaabeen sugidda ammaanka goobihii ay gacanta kudhigeen.

 


375 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 13 votes)
Comments (1 posted)
  • alaahu akbar alaahu akbar walilaahi xamdi waxaan ilaahayga cisad iyo sharafta leh ka baryaynaa in uu soo celiyo midawgii maxaakiimta islaamka oo dhulka nuuriyay hadaan nasiib leenahay waxaan rabi subxanahu watacaala waydiisanaynaa in uu soo celiyo wadaadadeeni sharafta iyo wanaaga u saaxibka ahaa intii ka dhimatayna waxaan rabi casaawa jala uga baryayaa in uu janadiisa wanaagsan ka waraabiyo ubadkii iyo xasaskii iyo awlaadii iyo waaridki ay ka tageena uu sabar iyo iiman ka siiyo illahay ha iga aqbalo ducadan
    (Posted by xabiba, December 11, 2007, 8:13 PM)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author
image

Alibaaba al_mujaahid

I'm the best ever