Nabadoon kamid ahaa nabadoonada ku dhaqan gobolka Bakool ayey kooxo hubeysan ku dileen deegaanka Abooraale oo ka tirsan gobolka Bakool.
Kooxo ku hubeysan qoryaha fudud ayaa geystay dilka nabadoonkaan oo lau magacaabi jiray Aadan Gurey, iyadoo xiliga ay kooxaha hubeysan dilaeen nabadoonka uu ku howlanaa xalinta khillaafaad beeleedyo ka aloosanaa qeybo kamid ah gobolka Bakool.
Dilka nabadoonkaan ayaa la sheeay in ay xiisado colaadeed ka dhex abuurtay dadka ku dhaqan degaanka uu dilku ka dhacay, waxaana la sheeay in maleeshiyo ay isku heyb yihiin nabadoonka ay iyana wadaan falal la xiriira aargoosi.
Waxgaradka ku dhaqan deegaanada gobolka Bay ayaa walaac xooggan ka muujiyey dilka loo geystay nabadoon Aadan Gurey, iyagoo sheegay in dilkaasi uusaameyn balaaran ku yeelan karo xalinta khilaaf beeleeda ka dhaca deegaanada Bakool.
Xafiiska wararka
Muqdisho Somalia.