Ciidamadii Itoobiyaanka ee ku sugnaa Iskuulka Max'ud Axmed Cali ee deegaanka Sanca degmada Kaaraan ayaa caawa maqribkii waxaa ay ka guureen fariisimahaasi iyagoona usoo ruqaansaday dhanka degmada C/Casiis.
Ciidamadaasi oo aad u hubeysnaa ayaa la sheegay in ay kasoo baxeen iskuulka oo mudo bilooyin ah ay ku sugnaayeen,waxaana ilaa iyo iminka aan la ogeen ulajeedka rasmiga ah ee ka danbeeyay go'aankaasi.
Qaar kamid ah dadka deegaanadaasi ayaa inoo sheegay in ay arkeen galabta qorrax dhicii Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan oo gabi ahaanba soo faaruujiyay Xerada Iskuulkaasi.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamadaasi ay fariisimo ka dhigteen dhabarka danbe ee Masaajidka Sheekh Muxideen ee isla deegaankaasi iyadoona aysan wararkaasi aheyn kuwo aad u sugan.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa maalmahan dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wada Muqdisho waxaana jirta in dhamaan la badalay qaab daagalankoodii iyo goobihii ay ka howlgali jireen.