Waxaa iminka dagaal qaraar uu ka soconayaa deegaanka Black Sea halkaasi oo ay isaga soo horjeedaan Ciidamada Itoobiya iyo kooxo hubeysan waxaana la sheegayaa iminka in lagu arkayo wadooyinka askar aad u fara badan oo Itoobiyaan ah.
Sida uu inoo xaqiijiyay qof ku dhaw deegaankaasi waxaa dagaalka uu yahay mid aan loo kala harin iyadoona la sheegayo in ay jiraan khasaare soo gaaray Ciidamada Itoobiyaanka balse aan la xaqiijin kareyn.
Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro hal askari oo geeriyooday laakin wararkaasi maahan kuwa la isku haleyn karo xaaladda deegaanka oo Culus aawadeed.