header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Faah faahin ku aadan Dagaalkii maanta iyo Khasaare lixaad leh uu soo gaaray Ciidamada Itoobiya. (Dhageeyso)

By bilaajo1974 on November 02,2024


 

Halkaan ka dhageyso

Waxaa soo baxaya faah faahin buuxda oo ku aadan dagaalkii xooganaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo dhex marayay kooxaha Hubeysan ee Al Shabaab iyo Ciidamada Itoobiyaanka,iyadoona dagaalka khasaarihii ugu xooganaa lagu gaarsiiyay Ciidamada Itoobiya.

 


Waxaa dagaalka xoogiisu uu ka dhacay deegaanka Gubta Ilaa miisaanka dhuxusha halkaasi oo Ciidamada Itoobiyaanka ay isku dayeen in ay howlgallo ka sameeyaan laakin ay ka hortageen kooxaha hubeysan.


Waxaa wararku ay xaqiijinayaan in 10 askari oo Itoobiyaan ah ka badan ay ku dhinteen dagaaladii maanta halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen,inta badan Ciidamadaasi waxa ay ku geeriyooday dagaalka xaafadaha ee ka dhacay Gubta.


Kooxaha Hubeysan ayaa aad uga yaqaana wadooyinka gudaha ah ee Cidamada Itoobiyaanka oo aysan usoo gali karin gawaarida waaweyn,taasina waxa ay ka dhigtay in meydadka Ciidamada Itoobiya qaarkood lasoo qaado oo la jiid jiido.


Waxaa meydadka Ciidamada Itoobiyaanka la kenay Isgoyska Baar Ubax halkaasi oo boqollaal qof usoo dawasho tageen isla markaana kadib ay dibad bax ka dhigeen kaasi oo ay ku taageersanayeen Kooxaha hubeysan kana soo horjeedeen joogitaanka Itoobiya.


Xaaladda deeganadii dagaaladu ay ka dhaceen ayaa wali aan xasilooneyn iyadoona warar nasoo gaaraya ay sheegayaan in iminka isku dhacii uu kasoo Cusboonaaday qeybo kamid ah goobahaasi.


Halkaan ka dhageyso


163 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 0 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author