Waxgarad Qabaa'ilka iyo Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay in ay u hogaansamaan u yeerida Ra'isal wasaaraha Soomaaliya ee uu kala hadlayo sidii ugu haboon ee loo yareyn karo dhaliilo ay la kulanto Xukuumada cusub ee soo dhisayo.
Ra'isal wasaaraha Xakuumada KMG ah Nuur Cadde ayaa ka bilaabay magaalada Baydhaba wada tashiyo kala duwan oo uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada.
Waxgarad Qabaa'ilka iyo Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay in ay u hogaansamaan u yeerida Ra'isal wasaaraha Soomaaliya ee uu kala hadlayo sidii ugu haboon ee loo yareyn karo dhaliilo ay la kulanto Xukuumada cusub ee soo dhisayo.
Masuul sare oo ka tirsan Xaafiiska Raysalwasaare Nuur Cadde ayaa sheegay in ay xalay wada tashi yeesheen Raysalwasaaraha Soomaaliya & Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ,ayagoo ka wada hadlay sida loo maareynayo Xukuumada Cusub ,taasoo ka kooban 18 Wasiir oo kaliya.
Qeybsiga Wasiirada iyo soo xulitaanka Shaqsiyeedka beelaha umatalaya ayaa dadaal dheer loogu jiraa ayadoo beel walba ay keenayso nin walba ,ayadoo Magaalada Baydhabo laga dareemayo loolan adag oo loogu jiro qabashada xilalka wasiirada iyo kuxigeenada oo ay haatan kooban yihiin.
Raysalwasaaraha ayaa taxadar dheeraad ah ka muujinaya xulitaanka Xubnaha golaha wasiirada ,wuxuuna RW sheegayaa in uu wadayo talooyinka uu ka qaadayano Xubnaha kala duwan ee uu la kulmayo.
Waxyaabaha uu kala hadlayo dhamaantood dadka uu la kulmayaa Nuur Cadde ,waxa ay ku saabsan yihiin arimaha Xulitaanka ,iyo sida ugu bahoon ee lugu keeni karo dowlado leh tayo wanaagsan ,waxna ka qabato xaalada qalafsan ee dalka Soomaaliya.
Bilaajo.com
Baydhaba