Ilaa 6 ruux oo 3 kamid ah ay ahaayeen Ciidamada Booliska dawladda Federaalka Somaliya ayaa ku dhaawacantay qarax xoogan oo goor dhaweyd gil gilay Igoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho iyadoona xaalada isgoyska iminka ay degan tahay.
Qaraxaasi ayaa loo maleynayaa in uu ka danbeeyay markii qarax bam lagu beegsaday Ciidamada dawladda iyagoo halkaasi howlgallo ka fulinaya isla markaana baaritaano ka wada.
Ciidamadii halkaasi ku dhaawacmay iyo dadkii rayidka ahaa ayaa dhamaan loola cararay Cusbitaaalka si loo dabiibo waxaana Ciidamada wixii markaasi ka danbeyay ay xireen wadadasi.
Ciidamada dawladda oo soo buuxiyay halkaasi ayaa lagu soo waramayaa in iminka ay fureen wadadaasi isla markaana isku socodkii dadka iyo gaadiidka oo xayirnaa Caadi uu kusoo laabtay.
Waxaa uu noqonayaa qaraxii labaad oo ka dhaca Muqdisho maanta kaasi oo lagu waxyeeleeyo Ciidamada dawladda iyadoona dhawaan qarax ka dhacay Suuq Bacaad uu ku dhaawacmay hal Askari.