Madaxwyanaha dowladda KMG ah iyo guddoomiyaha baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe ayaa magaalada Baydhabo ku yeeshay kulan albaabada u xiran yihiin iyadoo warar ku dhow dhow mas'uuliyiinta ay sheegayaan in looga hadlayo qaabka soo xulitaanka Ra'isal wasaaraha cusub ee badalaya Ra'isal wasaarihii is casilay ee xakuumada KMG ah iyo xaaladda guud ee dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe oo Saxaafada la hadlay kulankaas kaddib ayaa sheegay in madawyane C/laahi Yuusuf uu u gudbiyey qoraal ku saabsan ansaxintii golaha baarlamaanka ay shalay si wadajir ah u ansaxiyeen qodob maalmahan uu muran ka taagnaa kaas oo ku saabsanaa in Ra'isal wasaaraha laga soo dooran karo meel banaanka ka ah golaha baarlamaanka.
Sh. Aaadan Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in madaxwyanaha dowladda KMG ah uu ka codsaday inuu soo dadajiyo magacaabista Ra'isal wasaaraha cusub oo ay yeelaneyso xakuumada KMG ah waxa uuna intaa ku daray in isaga iyo madaxwaynaha ay ka wada hadleen qaabka loo soo xulaya Ra'isal wasaaraha.
Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha dowladda KMG ah ayaa kulamadooda uga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan mida Muqdisho oo maalmihii ugu dambeeyey ay ka socdeen iska horimaadyo iyo qulqulatooyin looga soo horjeeda cidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG ah iyadoo arrimaahaasna ay barbar socdeen barakac baahsan oo dadka reer Muqdisho uga cararayeen aqladooda iyagoo ka cabsi qaba inay dhibaatooyin ka soo gaarto dagaalada soconaya.
Madaxwaynaha dowladda KMG ah C/laahi Yuusuf ayaa laga sugayaa inuu soo magacaabo Ra'isal wasaare cusub oo qabta jagadii uu iska casilay Cali Maxamed Geeddi iyadoo shalay ay xildhibaanada cod buuxda ku ansaxiyeen in R'aisal wasaaraha laga soo dooran karo banaanka.