Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamed Dheere oo shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in la hakiyey howlgaladii ka socda magaalada Muqdisho oo ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya ay fulinayeen.
Maxamed DHeere ayaa sheegay in hakinta arintan ay ka dambeysay kaddib markii ay kulan yeesheen odayasha dhaqanka beelaha Hawiye iyo maamulka gobolka ay ka hadleen xaaladda ammaan ee gobolka Banaadir islamarkaana ay odayaasha kulankaas ka qeybgalay ay codsadeen in la hakiyo howlgalada milatari oo ciidamada ay wadaan gaar ahaan kuwa ay ka wadaan suuqa weyn ee Bakaaraha.
Maxamed Dheete ayaa sheegay in codsiga odayasha dhaqanka dartii loo hakiyey howlgaladaas waxa uuna dhinaca kale duqa Muqdisho Maxamed Dheere qiray in howlgaladaas ay sababeen barakac, dhimasho iyo hakad ku yimaado isu socodka wadooyinka magaalada Muqdisho.
Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa labadan maalmood laga dareemay xasilooni iyadoo arrintaas sabab looga dhigay hadalka ka soo yeeray Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Dheere, waxa uuna Maxamed Dheere sheegay inay ka war sugayaan odayaasha dhaqanka isbadalka ay ku soo kordhiyaan ammaanka Muqdisho.
Dhinaca kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir Max'ed Dheere ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in dagaalada iyo rabshadaha ka soconaya Muqdisho inay yihiin kuwo aargoosi ah oo xiriir toos ah la leh dagaaladii umadda Somaliyeed ay wada galeen sanadkii 1991 kii, waa sida hadalka uu u dhigee waxa uuna sheegay in Ragga ka dambeeya dagaalada iyo rabshadaha ka dhaca magaalada ay ka yimaadeen gobolo iyo deegaano ka baxsan caasimada.
Maxamed DHeere ayaa ugu baaqay dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho in ay dib ugu soo laabtaan isagoo ku booriyay odayaasha iyo waxgaradka magaalada in ay xasiliyaan magaaladooda kana qabtaan kooxaha nabad diidka.
Sidoo kale Duqa Muqdisho Maxamed Dheere ayaa sheegay inuu baaq u jeedinayo hey'daha gargaarka isagoo ugu baaqay inay gargaar bani-aadnimo la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan hareeraha magaalada.
Hadalka Maxamed Dheere ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay labadii maalmood ee ugu dambeysay ka barakaceen tiradii ugu badneyd oo waayadan ka barakacada magaalada kaddib markii isla hadal ka soo baxay Maxamed Dheere uu dadka ugu sheegay inay ka guuraan deegaano uu sheegay in ciidamada dowladda ay howlgalo ka fulinayaan inkasta oo Maxamed Dheere markii barakac baahsan uu dhacay uu haddana ku dhawaaqay in hadalkiisa si qaldan loo fasirtay dadkana ugu baaqayo inay guryahooda ku nagaadaan.
Sidoo kale hadalka Maxamed Dheere ee hakinta howlgalada magaalada Muqidsho ayaa ku soo beegmaya xilli maanta uu dagaal culus ku dhexmaray qeyba ka mid ah jidka warshadaha ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda kaddib markii ciidamadaas ay saaka howlgalo ka fuliyeen deegaano ay ka mid yihiin Gubta, Black Sea iyo Baar Ubax waxaana la sheegayaa in iska horimaadyadaas ay ka dhasheen qasaarooyin labada dhinacba ah.
Ciidamada Itoobiya ayaa maanta dagaalada ka dhacay deegaanadaas looga dilay dhowr askari iyadoo sidoo kale dad rayid ah ay waxyeelo ka soo gaartay rasaasta ay labada dhinac maanta is dhaafsanayeen.