London 15/12/2024 Wararka naga soo gaaraya dad ku dhaw dhaw Abdulahi Yusuf Ahmed oo ku sugan isbitaalka Cromwell ee LONDON ayaa sheegaya in xaalada Abdulahi Yusuf Ahmed ay aad u liidato.
Abdulahi Yusuf oo ah hogaamiyaha kooxda dabadhilifka ama ay ku adeegato Ethopia ayaa dhawaan waxaa la dhigey isbitaalka si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo.
Dad ku dhaw dhaw abdulahi Yusuf ayaa website Somalidaxorta u sheegay in saakay loo diidey in ay la kulmaan dad doonayey inay ku booqdaan qolka uu kaga jira Abdulahi Yusuf isbitaalka CROMWELL HOSPITAL.
Abdulahi Yusud ayaa odey da'ah oo xanuuno baden qaba ayaa taasina u siiwehlisaa shidada Soomaaliya oo u garwadeen ka yahey,taas oo ay sheegeen dadka la shaqeeya odeygan in xaaladiisa caafimaad ay qater ku sugan tahey.
Sida lagu wado hadii wax isbadel ah laga waayo xaalada Abdulahi Yusuf ayaa loo duulin doono dalka Germany ,gaar ahaan magaalada Dusseldorf si taqaatiir Jarmal ah loogu bandhigo .
Waxaana iyana jirta welwel ay qabaan dowlada Ethopia oo ah hadii xaalada Abdulahi ka soo reyn waydo ,madaama Arimaha Soomaaliya ay marayaan xili adag oo kala guur ah.
Hada Website SOMALIDAXORTA ayaa idin soo gudbin doono xaalada caafimaad ee Abdulahi Yusuf oo marxaalad xasaasi ah mareyso.