Warar xagga Caafimaadka ah oo laga helayo dhanka magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Cusbitaal loola cararay Madaxweynaha dawladda Federaalka Somaliya C/laahi Yuusuf Axmed kadib markii xanuun ba'an uu kusoo booday.
Sida ay daabaceen wakaaladaha wararka qaarkood isla markaana aanu kasoo xiganay TV-ga Al Jazeera Xaaladda Madaxweynaha ayaa aad halis u ah iyadoona la sheegayo in uu mayir daboolmay.
Ma jiraan wax faah faahin ah oo ku aadan sida xaaladiisa iminka ay tahay iyadoona dhamaan masuuliyiinta ku dhaw dhawaa ay ka gaabsadeen in ay ka faah faahiyan xaaladda Madaxweynaha.
(Posted by N. C I, December 5, 2007, 4:33 AM)