Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in madaxweynaha dowlada KMG ah C/laahi Yuusuf uu kala diray maamulkii Gobolka Bay iyo midka degmada Baydhaba .
Warqad ka soo baxday xafiiska madaxweynaha aya lagu kala diray maamulka Bay iyo kan degmada , iyadoo madaxweynuhu sheegay in talaabadaasi ay tahay mid ka dhalatay qilaafka sii jiitamayay ee maamulka u dhgaxeeyay .
Qoraalka waxa lagu sheegayu in qilaafkaasi uu keenay in guud ahaan ay istaagaan howlihii maamuladaasi laga doonayay .
Qilaaf soo jiitamayay ayaa dhawaanahaani u dhaxeeyay golaha deegaanka degmada Baydhaba iyo gudoomiyahooda ,mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Baay .
Waxaana warqadaasi oo uu ku saxiixnaa madaxweyne Yuusuf lagu sheegay in talaabdaasi ay sidoo kale ka dhalatay codsiyo soo noq noqday oo uga imaanayay dhanka odayaasha dhaqanka gobolka .