header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Madaxweyne Yuusuf oo maanta la filayo in loo qaado cusbital ku yaalla magaalada London ee waddanka

Your Ad Here

By Boondheere Boondheere on December 05,2024

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee S0omaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu daweynayaa Cisbitaal ku yaala Magaalada Nairobi ee waddanka Kenya, ka dib markii xanuun dhinaca xabadka ah uu la soo darsay, sida uu sheegay dhaqtarka hadda daweynaya.


Sida uu qoray wargeyska East African Standard ee ka soo baxa dalka Kenya, Dr Mouro Soi oo ah dhaqtarka gaarka ah ee hadda daweynaya madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweynaha oo xanuunsanaya shalay laga soo dajiyay magaalada Nairobi ee waddanka Kenya, isla markaana shaley duhurkii la dhigay cisbitaalka.

Dr Mouro ayaa intaa ku darray in madaxweynaha uu ka xanuunsanayo dhinaca saableyda, islamarkaana aan xaaladdiisa aheyn mid liidata.

Dr. Mouro Soi ayaa sheegay in Madaxweynaha loo qaadi doono labo maalin ka dib magaalada Landon ee waddanka England, si uu ugu soo qaato dawooyin iyo talooyin oo uu madaweynahu u aadi jiray dalkaasi.

Cisbitaalka uu ku jiro madaxweynaha Somalia ayaa la tilmaamay in la dhigay ciidamo aad u fara badan oo Kenyan ah kuwaas oo ka qeyb qaadanaya illaalinta amaanka madaxweynaha Somalia.

Maalin ka hor markii uu madaxweynaha gaarayay waddankaasi,waxa wehlinayay Rw-ha cusub ee Somalia Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde, oo la tilmaamay in uu halkaa uga ambabixi doono kulumo caalami ah oo ka kala dhici doono waddamo ku kala yaala Africa iyo Europe.

 


170 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 2 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author