header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Madaxweynaha dowladda KMG oo ka qeyb-geli doona Shirweyne Caalami ah oo lagu kala qabanayo dalalka U

By bilaajo1974 on November 14,2024

Madaxweynaha dowladda KMG, C/llaahi Yuusuf Axmed, ayaa lagu wadaa inuu Toddobaadka soo socdo socdaal rasmi ah ku tego Caasimadda dalka Ugandha ee Kampala,

Madaxweynaha ayaa halkaasi lagu wadaa inuu dhiggiisa Yuweeri Museveni kala hadlo xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka Somalia, xiriirka labada Dal iyo hawlgalladda Ciiddamadda Nabad-ilaalinta Afrikaanka “AMISOM” ka wadaan dalka Somalia.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan magaaladda Baydhabo ayaa xaqiijiyey inuu Madaxweyne Yuusuf   u ambabixi doono Caasimadda dalka Ugandha ee Kampala, isla markaana uu ka qeyb geli doono Shirweynaha Hoggaamiyayaasha Dowladaha ku jira Ururka Barwaaqo-sooranka “Common-wealth” oo lagu wado inuu bishan 23-da ka furmo  Caasimadda dalka Ugandha ee Kampala.

 

Madaxweyne Yuusuf, ayaa lagu wadaa inuu kulammo la yeesho Madaxda Dowladaha kulankaasi ka soo qeyb geli doono, si uu ugu booriyo inay DFKMGS taageero ka siiyaan dhinacyadda Siyaasadda, dhaqaalaha iyo soo-celinta Nabadda dalka Somalia.

 

Dhinaca kale, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, ayaa waxa u qorsheysan inuu bilowga bisha soo socoto u ambabaxo Caasimadda dalka Portugal ee Lisbon, si uu uga qeyb galo Kulan-sannadeedka Hoggaamiyayaasha Dalalka Qaaradaha Afrika iyo Europe.

Xubno ka tirsan  Madaxtooyadda Somalia, ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu ka codsan doono Madaxda Afrikaanka iyo kuwa Europe ee ka soo qeyb geli doona Shirka ka furmi doona caasimadda dalka Portugal ee Lisbon sidii ay Taageero dhaqaale iyo mid  Loojistiko oo degdeg ah u siin lahaayeen DFKMGS, si ay gacan uga geystaan soo-celinta Nabadda iyo Ammaanka ee dalka Somalia.


156 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 1 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author