MOGADISHU (Soomaalinews) - Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo ka mid ah Hogaanka Gudiga Fulinta ee Isbahaysiga soo nooleynta iyo dib u xoreynta Somalia, ayaa sheegay in dhawaan dagaalo ka dhan ah Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ethiopian-ka ay ka bilaabi doonaan Caasimadda Somalia ee Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobalada Dalka Somalia.
Macalin Xaashi, ayaa sheegay in Dagaaladaasi ay yihiin kuwo si weyn uga badalan kuwa haatan ka soconaya Magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in dagaalada haatan socdaba ay wadaan Dagaalyahanada Isbahaysiga xoreynta Somalia oo uu tilmaamay in hadafkoodu uu yahay oo kaliya sidii ay dalka cadowga iyo cadow-kalkaalka uga saari lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay.
Isagoo ka hadlayey ka hadlayey Macalin Xaashi Maxamed Faarax sidoo kale iscasilaadii uu sameeyey R/wasaarihii Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi, ayaa sheegay inaysan iyagu u arkin talaabadaasi mid sidaa u buuran, isalamrkaana ay ku qalqaaliyeen iscasilaadiisa Dowlahada Maraykanka iyo Ethiopia oo uu xusay in ay faragelin qaawan had iyo jeer ku hayaan arimaha Somalia.
Macalin Xaashi Maxamed Faarax, oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay shirkii Asmara ee lagusoo dhidbay Isbahaysiga soo nooleynta iyo dib u xoreynta Somalia kana mid ah hogaanka Guddiga fulinta Isbahaysigaasi
ayaa haatan ku sugan Magaalada Muqdisho oo uu markii horaba ka ambabaxay xilligii uu Shirkii Asmara kusii jeeday.