header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Prof. Geedi oo gaaray Jiddah iyo col. A. yusuf iyo madoobe oo maanta ku wajahan

By bilaajo1974 on October 25,2024

Dowlada Sacuudi Carabiya ayaa wadda qorshe ay gogol wadahadal ugu fudineyso madaxda dowlada KMG ah ee Soomaaliya .

Afhayeen u hadlay Ra`iusl wasaare Geedi oo lagu magacaabo C/laahi Muxidiin ayaa u sheegay wakalada wararka AFP in Sacuudigu ay ugu baaqeen madaxda dowlada in ay kulan wadahadal ah oo ay dhex dhaxaadineyso Sacuudiga ay yeeshan .

Afhayeenkaani ayaa intaa ku daray in madaxweyne Yuusuf , Geedi iyo Shiikh Aadan Madoobe ay dhawaan gaarayaan dalka sacuudiga ,inkastoo aanu jirin war ka soo baxay dhinacyada kale ee ku aadan arinta shirkaasi la sheegayo.

Dowlada Sacuudiga ayaa dhawaan Geedi deeq lacageed gaarsiisay taa oo looga gon lahaa ku xalinta dhibaatooyinka gudaha dowlada .

Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor C/lla Bin C/Casiis ayaa doonaya in dowladiisa ay xaliso qilaafka iyo ismariwaaga u dhaxeeya rukanada dowlada KMG oo si weyn isu haya .

Waxaa lagu waramay in baaqa Sacuudiga ee ah in shir loogu qabto madaxda dowlada in la gaarsiiyay sedexda mas`uul ee dalka uga sareeya .

179 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 6 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author