header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

SOMALI FORUM FOR PEACE & DEMOCARACY

By bilaajo1974 on November 19,2024

Ujeedo :   WARSAXAAFADEED

 

LONDON 18/11/2024

 

Ururka Somali forum for peace & democaracy  shir ay ku yeesheen dhawaan magaalada London oo ay kaga hadlayeen arimaha ugu dambeeyay ee Soomaaliya, ayay ka soo saareen war- murtiyeed ay kaga hadlayaan xaalada dalka Soomaaliya ku sugan tahay .

 

Waxaan soo dhaweynaynaa oo aan ku taageersan nahay war-mutiyeedkii dhawaan ka soo baxay  xafiiska European Parliament  oo ay kaga hadleen arimaha ka taagan Soomaaliya iyo mowqifka ay ka qaateen ,iyagoo soo saarey baaq ah in la furo maxkamad degdeg ah oo lagu baarayo xadgudubyada  xaquuqul insaanka  ee Soomaaliya iyo dambiyada dagaalka  ee ka socda .

 

Waxaan ugu baaqeynaa Baarlamaanka Yurub  inuu baaqaas noqdo mid dhaqan gala oo uusan noqon mid la iska dhahey oo aan waxbo laga qabanin.

 

Waxaan cambaareynaa xadgudubyada iyo xasuuqa ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee aan waxbo galabsan ee ku nool magaalada Muqdisho ciidamada Ethipia iyo kuwa ay ku shaqeysato.

 

Waxaan kale oo aan  cambaareynaynaa xariga Odey dhaqameed Ahmed Diiriye Cali  iyo dilka lagu sameynaayo dadka Soomaaliyeed ee aqoonyahanka ah ee diidan joogitaanka iyo heysashada gumeysiga Ethopia ee Soomaaliya & caburinta saxaafada xorta ah

 

SFPD  waxaan aad uga xunahey  isku daygii fuleynimada aheyd ee ciidamada Ethopia ay ku doonayeen inay ku khaarajiyaan Gudoomiyaha fanaaninta Waayaha Cusub  Shiine Abdulahi Ali  ee lagu dhawaacay weerar wuxuushnimo ah oo ay fuliyeen sirdoonka Kenya & Ethopia,waxaana codsaneynaa in si dagdag ah loo qabto kuwii fuliyey  dilkaas bahalnimada ah ee lagula kacay muwaadin Soomaaliyeed oo aan wax dambi ah galin ee un diiday inuu ka aamusnaado xasuuqa ba’an ee ciidamada Ethopia iyo kuwa u ah shaqaalaha ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Ugu dambeyntii waxaan ummada Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka ka codsaneynaa inay iska kaashadaan sidii loo dardargalin lahaa in la furo maxkamad caalami ah oo lagu baraayo dhibaatada ka aloosan Soomaaliya si degdeg ah.

 

Waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka inay ka shaqeeyan sidii ciidamada Ethopia ee gumaadka ka wada Soomaaliya dalka looga saari lahaa walina falgaboodka ay ka geysteen Soomaaliya loogu maxkamadeyn lahaa.

Mahadsanidiin

Guuleysta Soomaaliya Soomaali baa leh

Yusuf Mohamed Abdi Yusuf

Afhayeenka Somali forum for peace & Democaracy

[email protected]


57 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 0 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author