header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Halkee ku dambeeyay Nabaddoon Axmed Diiriye - Waase sidee xaaladiisa caafimaad?

By bilaajo1974 on November 30,2024

Nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo sadexdii todobaad ee lasoo dhaafay ku jiray gacanta ciidamada Itoobiya ayaa laga deyrinayaa xaaladiisa caafimaad.

Nabaddoonka oo ah oday dhaqameed Soomaaliyeed isla markaana magac iyo sumcad ku leh bulshada dhexdeeda ayey ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo maleeshiyooyinka Mbagathi gurigiisa kala baxeen 11kii bishan November.

Ciidamada afduubka u geystay Nabaddoonka oo la sheegay in uu hoggaaminayay sarkaal sare oo Itoobiyaan ah ayaan haba yaraatee la ogeyn sababta ay u xirteen Nabaddoonka.

Hadaba si aan wax uga ogaanno xaaladda Nabaddoonka ayaannu xiriir la sameysay wiilal uu dhalay Nabaddoon Axmed Diiriye oo ku kala sugan dalalka Holland iyo Suudaan.

Ciise Axmed Diiriye oo ah wiil uu dhalay Nabaddoonka ayaa Aayaha.com u sheegay in ehelada Nabaddoonka loo diiday in ay booqdaan, isla markaana aaney jirin cid aragtay Nabaddoon Axmed Diiriye tan iyo maalintii la xiray oo haatan laga joogo 20 cisho.

Ciise ayaa sheegay in aabihiis uu qabo cuduro ay kamid yihiin dhiig-kar iyo sonkor, isla markaana uu si joogto ah u qaadan jiray daawooyin loogu talo galay in lagu xakammeeyo cuduradaas oo ay u qoreen dhaqaatiirtiisa.

Wiilka Nabaddoonka ayaa sheegay in maadaama uusan aabihiis haatan haysan daawooyinkaas uu aaminsan yahay aadna uga cabsi qabo in ay liidato xaaladda caafimaad ee aabihiis.

Ciise ayaa sidoo kale muujiyay in ay ka cabsi qabaan in jirdil loo geystay aabihiis "mar haddii ehelka loo diiday in ay booqdaan ama xiriir la sameeyaan aabahey, welwel weyn oo ku saabsan xaaladiisa caafimaad iyo nololeed ayaan qabnaa" ayuu yiri Ciise Axmed Diiriye, isagoo hadalkiisa sii raaciyay "hadda maba ka warqabno in odaygu nool yahay ama uu Muqdisho ku xiran yahay, waayo sidii loo kaxeystay cid aragtay ma jirto".

Maxamed Axmed Diiriye oo kamid ah caruurta Nabaddoonka waxna ka barta dalka Suudaan ayaa sidoo kale muujiyay welwelka ku aadan xaaladda nololeed iyo caafimaad ee aabahiis.

Maxamed ayaa ugu baaqay dhamaan bulshada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in ay ka shaqeeyaan sidii loo sii dayn lahaa aabihiis.

Ciise iyo Maxamed Axmed Diiriye ayaa xarigga aabahood ku tilmaamay mid sharci darro ah, isla markaana kasoo horjeeda dhaqanka Islaamka, dhaqanka Soomaalida, iyo xuquuqda aadanaha.

"Wuxuu aabahey u xiran yahay mabda'a uu aaminsan yahay" ayuu yiri Ciise Axmed Diiriye.

Sheekh Axmed Cali Gees oo kamid ah culimada Soomaaliyeed iyo Cabdinuur Axmed Diiriye oo ah wiil uu dhalay Nabaddoonka ayaa sidoo kale xabsiga ku jira.

Nabaddoon Axmed Diiriye ayaa kamid ah dadka sida aadka ah uga soo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, waana shakhsi aan marnaba la gabban fikradda iyo mabda'a uu aaminsan yahay.

Nabaddoonka ayaa maalmo kahor markii la xiray ugu baaqay ciidamada Itoobiya in ay isaga huleelaan dalka Soomaaliya "Ciidamada Itoobiya haddii ay baxaan ma jirto cid weerari doonta dowladda federaalka iyo dowladaha deriska ah, taasina annaga ayaa balan qaadeyna" ayaa kamid ahaa hadallo uu Nabaddoonku 8dii bishan November u sheegay warbaahinta.

Kooxda Mbagathi ee uu hoggaamiyo dagaal ooge Cabdullaahi Yuusuf iyo dowladda Itoobiya ayaa la xaqiijiyay in ay marar badan isku dayeen in ay laaluush siiyaan Nabaddoonka isla markaana ka dhaadhiciyaan fikradda dalka lagu iibsaday, balse Nabaddoonka ayaa taas ka diiday, isagoo u sheegay kooxda Mbagathi in uusan ka tanaasuleyn qaddiyadda Soomaalinimo ee uu aaminsan yahay.

Wixii markaas ka dambeeyay waxey kooxda Mbagathi bilowday hanjabaado iyo cabsigelin ka dhan ah Nabaddoonka, balse Axmed Diiriye oo ay eheladiisa ugu baaqeen in uu Muqdisho ka baxo ayaa ku jawaabay "Dhib walba oo jira dadkeyga ayaan la qeybsanayaa, haddii la i dilayo ama la i xirayana gurigeyga ayaa la igu dilayaa ama la iga kaxeysanayaa, meelna uga dhaqaaqi maayo gurigeyga".

Hay'ado u dooda xuquuqda aadanaha oo ay kamid tahay Amnesty International ayaa daba gal ugu jira sidii wax looga ogaan lahaa xaaladda uu ku sugan yahay Nabaddoon Axmed Diiriye.

Waxaa wax ku cusub ah dhaqanka Soomaalida in la qafaasho ama la xiro oday dhaqameed Soomaaliyeed, balse waxaa lagu jiraa qarni Salaadiintii la dilayo, sida horayba gardarro loogu dilay Allaah ha u naxariistee Suldaan Hurre, ama la qafaasho sida Nabaddoon Axmed Diiriye Cali.


98 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 5 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author