Madaafiic ay ciidamada Itoobiya xalay ku garaaceen qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay geysteen khasaarooyin u badan dhaawacyo soo gaaray dad ku sugnaa goobaha ay madaafiicdaas ku dheceen.
Madaafiicda oo si aad ah ay ciidamada Itoobiya ugu garaaceen degaano ay kamid yihiin Albaraka, Blacksea, Gubta Ciise Cabdi, Carafaad, Juungal, Towfiiq, Sos iyo xaafadda Waxarcadde ee duleedka degmada Hurwaa.
Madaafiic ku hubsaday xaafadaha Waxarcadde iyo Carafaad ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen inka badan 5-qof oo rayid ah kuwaas oo madaafiicdu ay ugu habsadeen guryihii ay degganaayeen, waxaana dadka dhaawacmay ay u babdan yihiin dumar.
Madaafiicda ay ciidamada Itoobiya ku garaaceen xaafadaha Muqdisho ayaa badankood waxa ay ku dheceen xaafado ay dadkii deganaa xilli hore ka barakeceen, waxaana daryanka madaafiicdaas ay ahaayeen kuwo laga maqlayey magaalada iyo daafaha magaalada.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa madaafiicda jawaab ka dhiga marka la soo weeraro xarumaha ay ka deggan yihiin magaalada Muqdisho, waxaana badanaa ay ciidamada Itoobiya madaafiicda ku garaacan deegaanada ay dadka rayidka ah deggan yihiin.
Bilaajo.com
Xafiiska wararka Muqdisho.