Dhaq dhaqaaqa hubeysan ee Al Shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Somaliya ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgalaya magaalada Muqdisho kuwaasi oo 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay laga waxyeeleeyay ilaa 4 Askari.
Bayaan ay Kooxda Shabaab Al Mujaahidin soo dhigeen Internet-ka isla markaana ay faafisay Wakaaladda Wararka Islaamiga ah ee Naba ayaa lagu sheegay in Shabaabka ay ku dhawaaqeen dagaal habeen iyo maalin ah oo ay ku qaadaan Ciidamada Uganda kadib markii ay Ugandeska la wareegeen amaanka guud ee Xabsiga dhexe.
Waxaa taasi ay ka danbeysay markii Shabaab Al Mujaahidin ay sheegteen duqeyntii ba'neyd ee xalay lagu qaaday dekadda Muqdisho halkaasi oo lagu waxyeeleeyay askar kamid ah Ciidamada AMISOM.
Bayaanka Kooxda waxaa lagu sheegay in Xabsiga ay ku jiraan Culimo aad u fara badan oo lagu jirdilo isla markaana ay Ciidamada Uganda kaga hareyn in ay nabad ku joogaan magaalada intaba ay howshaasi wadaan.
Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa ugu hanjabay Ciidamada Uganda guul darrooyin qaraar oo lamid ah kuwa ay la kulmayaan Ciidamada Dawladaha Somaliya iyo Itoobiya ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.
Dhaq dhaqaaqa Hubeysan ee Al Shabaab ayaa la rumeysan yahay in ay ka masuul yihin falal weeraro,qaraxyo,dilal qorsheysan isugu jira oo laga fuliyo guud ahaan Somaliya kuwaasi oo intooda badan ay ku beegsadaan xubnaha la shaqeeya dawlada Federaalka Somaliya.