Ku dhawaad 270 askari oo kamid ahaa Ciidamada Xooga dalka ayaa maanta laga ceyriyay Xerada Villa Baydhabo oo ciidankaasi ay deganaayeen mudooyinkii u danbeeyay kadib markii lagu eedeyay in ay hal beel u badan yihiin.
Sarkaal lagu magacaabo Max'ud Xasan Axmed oo kamid ahaa Cidankii maanta laag saaray Villa Baydhabo ayaa ku eedeeyay tallaabadaasi saraakiisha kala ah Saalax Liif iyo Faarax Qare oo uu sheegay in hab beeleed ku faquuqeen Ciidankaasi.
Waxaa uu sheegay in Faraxa Qare sarkaalka lagu magacaabo uu u sheegay in ay ka baxaan Goobtaasi maadaama Ciidankooda uu u badan yahay Hawiye sidaasi daraadeedna meesha looga soo saaray.
Mar qura ayaa saaka lagu arkay Ciidamadaasi oo wadada ku sugan markii ay kasoo baxeen Xerada Villa Baydhabo waxaa ay soo aadeen guryahoodii iyagoo sita hubkoodii iyo dareeskii Ciidamada.
Tallaabadan faquuqida ah ayaan ku Cusbeyn siyaasadda dawladda Federaalka Somaliiya,maadaama ay ka buuxaan dawladda saraakiil wali ay ku danbeeyaan Cunsuriyadda iyo qabyaalada kuwaasi oo iska dhigaya Masuuliyiin qaran.