Madaxdii xisbi siyaasadeedka Qaran ee Somaliland ayaa muddo kadib laga sii daayey xabsiga Mandheera.
Guddoomiyaha xisbiga Qaran iyo labadiisii ku xigeen oo in muddo ah ku jira xabsiga Mandheera oo kal hore uu maamulka Somaliland dhigay ayaa shalay laga sii daayey, iyadoo shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa guddoomiyaha Qaran Maxamed Cali Gaboose uu ku sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin sii deyntooda.
Mr. Gaboose waxa uu sheegay in maamulka uu horkaco Daahir Riyaalle ay doonayaan in ay meel uga dhacaan habka dimuquraadiyadda, isagoo xusay in mudadii ay xabsiga ku jireen si wanaagsan loola dhaqmay.
"Marnaba ma oglaaneyno in meel looga dhoco dimuquraadiyadda, waxaana dooneynaa in aan meel marino dastuurka Somaliland oo madax banaani siinaya xisbigeena, Daahir Riyaalana ujeedkiisu waa in uu sii sata dheereysto madaxtinimada Somalilanad uuna caburiyo shaqiyaadka da'yar ee hadda ku soo biiraya saaxada siyaasadda Somalilad" ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga Qaran oo ka hadlay sii deyntooda.
Madaxda xisbiga Qaran ayaa xabsiga la dhigay 145-maalin ka hor, waxaana in muddo ah ay ku jireen xabiga Mandheera oo shalay laga sii daayey.
Xafiiska wararka
Muqdisho Somalia.