header
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Mid Ka Mid Ah Masaajiddada Muqdisho, Oo Ciidamo Ethiopian Ah U Beddelley Meel Ay Musig Ku Dhageysto

By b1laajo on May 04,2025

Masaajidka Sheekh Cabdi ee Ku yaalla Xaafadda Cali Kamiin ee Magaallada Muqdisho ayaa Waxaa Ciidamada Ethiopia oo Degey ku sameynayaan wax yaabo diinta Islaamka aad uga baxsan.

 


Sida ay ku waramayaan dadka degan agagaarka xaafadda Masaajidka ku yaalla, waxaa ciidamada Ethiopianka ah ku dhageystaan gudaha Masjidka Musig iyo Fisqi kale taasoo carro gallisey dadka deegaanka.


Ciidamadan Ethiopianka ah ayaa waxaa ay degeen Masaajdikaasi xilligii uu dagaallada ka socdey Magaallada Muqdisho kaasoo u dhaxeeyey ciidamada Ethiopianka iyo raga ka soo horjeeda jogitaanka ciidamada Ethiopia.


Hore ayaa waxaa sidoo kale ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha waddanka Somalia degeen Meello lagu weyneeyo diinta islaamka, iyagoo sidoo kale degey Masjid kale oo ku yaalla Magaallada Baydhabo, gaar ahaan agagaarka Kantoroolka Bakiin ee Magaallada laga soo gallo, kaasoo ku dhex yaalla Xero ciidan.


Tallaabadaan ayaa waxaa ay fajiciso ku reebtey dadka ahlu diinta ah,iyadoo illaa iyo hadda aaney jirin cid Mas’uul dowladda Somalia ka tirsan oo ka hadashey Arrinkaasi foosha xun leh.


338 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 14 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed