Wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Itoobiya ayaa gaashaanka u daruuray wararka sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan dalka Somaliya ay iska gumaadaan shacabka rayidka ah waxaana uu xaqiijiyay in Ciidanka Itoobiya ay ku socdaan awaamirta dawladda Somaliya.
Mar uu wareysi siinayay wasiirkani Idaacadda BBC-da laanteeda Afrika la hadasha ayuu sheegay in wax kama jiraan ay yihin wararka la isla dhex marayo ee ku aadan in Ciidamada dalkiisa ay iska laayaan shacabka marka la weeraro.
''Ciidankeena waxaa ay ku shaqeeyaan nidaam go'an,waxaana ay amar ka qaataan saraakiisha dalkaasi joogta iyo madaxda dawladda Somaliya,marka kuma dhaqaaqayaan go'aano shaqsiyadeed''ayuu yiri Mesfin.
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya waxaa sidoo kale uu sheegay mar uu ka hadlayay ad adkaanta Itoobiyaanka iyo naxariis la'aanta in Ciidamada Itoobiyaanka aysan Somaliya u tagin Caano in ay cabaan balse ay ku jiraan howlo qaran waxa uu ku sheegay.
Ciidamada Itoobiyaanka ee dalka ku sugan ayaa gumaad xoogan ka geystay dhowr jeer magaalada Muqdisho iyadoona maalmo dhaweyd ay magaalada ku dileen ku dhawaad 80 qof oo haween iyo caruur ay ku jireen.