header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Geedi "Dowladda Dusha ayey Ridanaysaa Cabashooyinka Laga Tabanayo".

By bilaajo1974 on October 09,2024

MOGADISHU (Boondheere.com) - Ra'iisal wasaaraha Xukuumadda KMG Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi, ayaa daboolka ka qaaday in Dowladdiisa ay diyaar u tahay wax ka qabashada cabashooyinkii ay u soo jeediyeen Odayaasha Beelaha Hawiye.

 


Prof. Geedi ayaa si weyn carabka ugu adkeeyey in dhammaan cabashooyinkaasi wax laga qaban doono, isla markaana dhusha u ridaneyso Xukuumadiisa, sida uu ballanqaaday.


R/wasaaraha ayaa intaa ku daray in dhibaatooyinka ay geestaan ciidamada sidoo kale wax laga qaban doono, isla markaana lagula xisaabtami doono, isagoona shacabka uga tacsiyeeyay dhibaatooyina ay ciidamadu u geesteen waayadii ugu dambaysay.


Geedi ayaa hadalkan ka sheegay, kadib kulan shalay uu la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye, kaasoo noqonayo kii ugu horeeyay oo ay si wada jir ah isugu yimaadaan garabyada Siyaasadda Beelaha Hawiye ee markii hore labada garab u kala jabay, balse haatan uu Geedi ku guulaysay inku keenistooda, sida muuqata, si uu taageero uga helo Beelaha Hawiye oo uu isaga heyb ahaan ka dhashay.


161 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 6 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author