header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (1 posted)

Abuu Mansuur oo sheegay in Baydhabo ay kusugan yihiin ayna kawadaan Hawlihii ay Muqdisho ka wadeen.

Your Ad Here

By Anwar Thabit on December 16,2024

Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu-mansuur) oo kamid ah Golaha Maxaakimta ayaa markii ugu horeysay beeniyay in ay madaafiic ku garaaceen Suuqa oo ay dowladda Federaalka ku eedeysay.
Abuu-mansuur oo wareysi siiyay Mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladda ay mar waliba la ogyahay in wixii ay sameeyaan ay ku eedeeyaan iyaga lakin waxa uu si toos ah u qiray in Madaafiicdooda ay ku garaacaan oo keliya Goobaha ay kusugan yihiin Ciidamada Itoobiyaanka.

“anaga marnaba kuma garaacno goobaha rayidka Madaafiic, Madaafiicdeenu waxa ay si toos ah ugu jeedaan goobaha ay cadowga kusugan yihiin oo ah Itoobiyaanka iyo daba dhilifkooda” ayuu yiri Abuu-masnuur.

Ugu dambeyntii Abuu Masnuur waxa uu si toos ah u sheegay in uu kusugan yahay Gobolka Bay isla markaana uu ka hayo halkaasi wixii horey uu Muqdisho ugu hayay oo ah halgankii dalka lagu xoreyn lahaa isaga oo intaasi ku daray in dhaq dhaqaaq xoogan ay ka wadaan maalmahani dambe magaalada Baydhabo.

Waa markii ugu horeysay oo Abuu-mansuur uu si toos ah u qirto in uu kusugan yahay magaalada Baydhabo isla markaana halkaasi uu ka wado hawlgallo ballaaran iyo dagaalo ay kula jiraan maleeshiyada dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ee isbaheysanaya.

 


73 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 0 votes)
Comments (1 posted)
  • ASALMU CALAYKUM W/W HALGANKA HALKAA KASII WAD ANAGAN WANKUGU TAAGER SANAHAY GUUL BAAN KUU RAJAAYNAYAA INSHAA ALAAH WALLAALKA CABDALL HABIIB
    (Posted by CABDALLA HABIIB, December 18, 2007, 6:27 AM)
Your Ad Here
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author
image

Abdihafid Abdisamad

Best narretor