Ciidamo ka socda dowladda Burundi ayaa la filayaa in bishaan dabayaaqadeeda la keeno dalka Soomaaliya.
Nicholas Bauquera oo ah xoghaya midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya ayaa shegaya in ciidamada dalka Burundi ay si dhaqo ah u imaanayaan dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in raaca hore ee ciidamadaas ay soo gaarayaan dalka bishaan dhexdeeda.
Nicholas Bauquera waxa uu sheegay in sidoo kale ciidamo ka socda dalka Nayjeeriya ay si dhaqso ah u imaanayaan dalka Soomaakiya, isagoo xusay in la dardar gelinayo qaabkii ciidamadaas u imaan lahaayeen dalka Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay dowladda Burundi ayaa shaaca ka qaaday in cutucbyo ka tirsan ciidamada dalkaasi ay imaanayaan gudaha dalka Soomaaliya, si ay ugu biiraan ciidamada Uganadha ee hadda jooga dalka.
Horey ayaa dhowr mar loo sheegay in ciidamo ka kala socda dalalka Nayjeeriya iyo Burundi ay imaanayaan dalka Soomaaliya, hase yeeshee dib u dhac ayaa ku yimid imaanshaha ciidamadaas ee dalka Soomaaliya.
Bilaajo.com
Xafiiska wararka Muqdisho.