header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Askari kamid ah Ciidamada dawlada oo ku dhaawacmay qarax bam oo lagula beegsaday deegaanka Suuq Bacaad.

By bilaajo1974 on October 09,2024

Mid kamid ah Ciidamada dawladda aya ku dhaawacmay qarax xoogan oo wax yar kahor ka dhacay xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshid iyadoona qaraxasina la sheegay in uu ahaa mid bambaano.

 


Waxaa qaraxaasi uu ka dhacay meel ku dhaw Masaajidka Abuukar Cumar Cadan oo aan ka fogeyn Suuq Bacaad iyadoona la xaqiijiyay dhaawaca askariga iyo qof kale oo rayid ah.


Ciidamada dawlada aya markaasi kadib waxaa ay fureen rasaas xoogan oo ay ku beegsanayeen dadkii goobta ka ag dhawaa iyadoona aysan jirin cid halkaasi ku dhaawacantay.


Goobta qaraxaasi ka dhacay oo aanu garanay waxyar kahor ayaa goob jooge u hadlay Soomaalinews.com waxaa uu inoo sheegay in uu arkay dhawaca askariga ka tirsan Ciidamada dawladda iyo qof rayid ah.


Xaaladda degaanka ayaa iminka aad u kacsan iyadoona ay soo gaareen deegaanka Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u fara badan kuwaasi oo baadi goobaya wixii ka danbeeyay qaraxasi.



17 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 0 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author