Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku gacan seyray qorshe uu dhowaan ku baaqay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki-Moon.
Kulan uu galabnimadii Isniinta yeeshay gollaha amaanka ayuu kaga dooday xaaladda ka taagan Soomaaliya, wuxuuna goluhu ku baaqay in la dardar geliyo qorshe ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Qaramada Midoobay loogu diri lahaa Soomaaliya.
Go'aankan cusub ee golaha ammaanka ayaa kahor imaanaya baaqii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu dhowaan ku sheegay in aan loo baahneyn ciidamo nabadda ilaaliya oo loo diro Soomaaliya.
"Gollaha Amaanku wuxuu dhageystay warbixin xasaasi ah oo ku saabsan xaaladda nabadgelyo, bini'aadnimo iyo siyaasadeed ee Soomaaliya oo kasii dareysa" ayuu yiri safiirka dalka Indonesia Marty Natalegawa oo ah madaxweynaha golaha ee bishan November.
"Xubnaha golaha ammaanka waxey isla garteen in la dardar geliyo qorshe lagu diyaarinayo ciidan nabad ilaalin ah oo ka socda Qaramada Midoobay oo loo diro Soomaaliya" ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha golaha ammaanka Marty Natalegawa.
Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa la aaminsan yahay in ay ka dambeeyaan qorshaha lagu doonayo in ciidan ka socda Qaramada Midoobay loo diro Soomaaliya, iyagoo doonaya ciidamo ay ku bedelaan kuwa Itoobiyaanka ah ee ay iyagu meesha keeneen.
Dowladda Mareykanka ayaa garowsatay gefka weyn ee ay gashay kadib markii uu faraha ka baxay ammaankii Soomaaliya, lagana yaabo in ammaan daradu saameyso guud ahaan gobolka Geeska Afrika oo ay ku jirto Itoobiya, taasoo aan dan u ahayn maamulka Mareykanka, maadaama uu xulafo la yahay maamulka keli taliska ah ee Meles Zenawi.