Iyadoo wakaaladaha wararka ay ka waramayaan Taariikh nololeedkii C/laahi Yuusuf iyo in Aadan Madoobe uu yahay ruuxa dastuur ahaan C/laahi bedelaya ayaa Nuur Cade sheegay in
C/laahi Yuusuf uu shir u tegayo magaaladda London. Nuur Cade oo idaacadda BBCda u waramayey wuxuu sheegay in Mr Yuusuf uu ka baaqanayo shirka halka maalin qaadanaya ee beri madaxda gobolka iyo xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Condoleezza Rice uga furmaya magaalada Adis-aba oo isaga oo keli ah uu ka qaybgelayo, sidoo kalana shirka Madaxda Yurub iyo kuwo Afrikaanka Jimcaha uga furmaya Lisbo caasimadda Portugal, iyadoo dhamaan shirarkaasna ay uga muhiimsanyihiin shir aan London ka dhacaya oo aan la ogayn meesha lagu qabanayo iyo cida ka qaygelaysa.
Nuur cade ayaa dad badani la fajaceen waxa ku kabiixay beenta qaawan ee intaa la eg. Inkastoo Nuur cade uu ka mid yahay jiilka Soomaalida ee siyaasadda u fahamsan Been la sheego iyo isdabamarin lagu dhaqmo, hadana dad badan ayaa rajo ka qabey Nuur inuu sidaas ka yara roon yahay kana dhaqan duwan yahay.
Dhinaca kale wakaaladaha wararka ayaa bilaabay in ay ka hadlaan Taariikh nololeedkii C/laahi Yuusuf iyo cida ay tahay dastuur ahaan in ay bedesho. Wakaaladda wararka ee Faransiiska (AFP) ayaa ka mid ah wakaaladaha qoray Taariikh nololeedkii C/laahi Yuusuf, wixii uu soo maray iyo cida laga yaabo in ay bedesho. Ilaa iyo haatan lama kala oga in qoraalka AFP ee u muuqda mid ka hadlaya nin tegey inuu xog la xariiro ama uu kasii hordhac yahay, laakiin wararka Nairobi ka imaanaya waxa sheegayaan in xaalka C/laahi uu daran yahay uusan xitaa diyaarad qaban karin. AFP ayaa ku tilmaamtay C/laahi Yuusuf ruuxii ugu cimri dheeraa ee lagu talaalo beer uusan lahayn.