Halkaan ka dhageyso-Dagaal xoogan oo la isku adeegsanayo Hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa iminka ka socda hareeraha Saldhiga Booliska Howlwadag ee magaalada Muqdisho iyadona dagaalkaasi uu yahay mid aad u xoogan.
Kooxo hubeysan oo aad u fara badan ayaa la sheegayaa in ay weerar xoogan ku qaadeen Xarunta saldhigaasi isla markaana ay doonayaan in xoog ku galeen sidii saldhigii Hodan oo kale.
Qaar kamid ah dadka deegaankaasi oo qadka teleefanka aan kula xiriiray ayaa waxaa ay ii sheegeen in baasuukayaal iyo madaafiic la isku adeegsanayo dagaalka isla markana ay muuqato in uu yahay mid aad u xoogan.
Wali waxaa adag faah faahinta dheeriga ah ee laga helayo dagaalkaasi iyadoo dadkii intodii badnaa guryahooda ay isaga jiraan isla markaana aysan jirin wax guryahooda kasoo baxay.
Halkaan ka dhageyso
Wixii kusoo kordha la soco Xiriiro ayaan la sameyneynaa dadka deegankaaasi.