Xoghayaha Arrimaha debeda ee Maraykanka Condoleezza Rice ayaa hal maalin oo booqasho ah Arbacadda soo socota ee 5ta December ku tegi doonta magaaladda Adisaba ee xarunta Midowga Afrika.
Rice ayaa madaxda Afrikaanka kala hadli doonta mushkiladda Gobolka ka jira ee ay ka midyihiin Suudaan, Soomaaliya iyo Great Lakes (Harooyinka Wayn) , iyadoo la kulmi doonta wasiiro iyo madax kale oo ka kala socota Uganda, Ruwanda, Burundi iyo Kongo. Rice ayaa kulamadeeda la sheegay in ay xooga saari doonto arrinta Soomaaliya oo ay kala hadlayso kulan ay ka qaybgelayaan dawladaha Uganda, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, madaxa Midowg Afrika Cumar Konaari, iyo Ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay Soomaaliya u qaabilsan Ould-Abdallah.
Sidoo kale ayaa la sheegay in ay kulanka ka qaybgalayaan C/laahi Yuusuf iyo ra'iisuwasaarihii cusub Nuur Cade. Jandayi Frazer oo warfidiyeenka uga warbixinaysay booqashadda Rice ayaa sheegtay in kulanka Soomaaliya diiradda lagu saari doono sidii ciidanka Afrikaanka ah loo soo dedejin lahaa, arrimaha bani'aadanimo gacan looga gaysan lahaa, laguna takoori lahaa koxaha xagjirka ah, kuwaasoo ay sheegtay in ay yihiin kuwa ku baaqaya in la weeraro ciidanka nabad ilaalinta, iyadoo la qabanayo dib u heshiisiin dhab ah oo loo dhanyahay, taasoo ay qayb ka noqdaan wax ay ugu yeetay mucaaradka sharciga ah oo ay ku sheegtay kuwa aan gacan ka hadalka wax ku doonaynin iyadoo tusaale u soo qaadatay Xubnaha Barlamaanka Xorta ah.
Frayzer, waxay sheegtay in ujeedadooda ugu wayn ay tahay in ay taageeraan ra'iisuwasaaraha cusub kaasoo ay sheegtay inuu fursad u yahay TFGda in ay dib isku soo dayactirto iskuna daydo in ay kalsooni iyo sumcad arrinkaa ku kasbato lana hadasho mucaaradka sharciga ah oo ay tiri waxaan mar kale ula jeeda kuwa aanan xoog wax ku doonaynin. Kulankan ayey sheegtay inuu muhiim yahay sababtoo ah waxaa imaan doona dawladaha gobolka, halkaasoo TFGda loo sheegi doono waxa laga rabo in ay fuliso.
Frayzer mar la waydiiyey in natiijo xumi ay ka timid iyo in kale duulaankii Itoobiya oo ay iyagu taageereen kaasoo keenay Muqdisho oo laga qaxay, colaadii oo sii siyaaday, Itoobiyaankii oo dhaqaaqi la'a waxna qaba la'a, Ugaandayskii oo meel ku xiran, Frazer waxay iska fogaysay in ay duulaankii Itoobiya taageereen laakiin waxay inkirtay in natiijadu ay aad u xuntahay iyadoo sheegtay in Soomaaliya ay tan 1991 colaaduhu ka jireen.
Halkan ka aqri ama ka daawo shirkii jaraa'id ee Frazer.