Weerar xooggan oo loo adeegsaday Madaafiicda Hoobiyayaasha ayaa xalay ka dhacay agagaarka Waraasaddii Gaashaandhiga iyo Ex-Xeradii Guulwadayaasha oo xarun militari u ah Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda.
Inkastoo aan la shaacin khasaaraha ka dhashay weeraradaasi ayaa daryanka Madaafiicda la isweydaarsanayey oo lagu qiyaasay ku dhawaad 10-Madfac waxaa si toos ah looga maqlayey inta badan Magaalada.
Hase haatee G/lle C/waaxid Max'ed Xuseen oo ah Afhayeenka ciidamada booliska ugu qaabilsan xiriirka dadweynaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay weeraradaasi xalay lagu qaaday Ciidamada iskaashanaya ee ku jira Xerooyinka Gaashaandhiga iyo Guulwadayaasha.
Si kastaba weerarkaasi ayaa waxa uu daba socday weerar ka horeeyey oo afurkii ka dib lagu qaaday Saldhiga Degmada H/wadaag ee Muqdisho, halkaasi oo la sheegayo inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur soo gaaray dhismooyin badan oo uu ku jiro Masjidka weyn ee Macalin Biya-Maalow.