Warar ay si qarsoodi ah ku heshay shabakadda wararka soomaalinews.com ayaa sheegaya in madaxweynaha dawladda Federaalka Somaliya C/laahi Yuusuf Axmed uu sharaxay Gudoomiyihii gudiga dib u heshiisiinta Cali Mahdi Max'ed xilka R/Wasaaraha dawladda Somaliya isagoo doonaya in la casilo Cali Max'ed Geedi.
Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in Madaxweyne Yuusuf uu waqto mooshin ka dhan ah Geedi kaasi oo Baarlamanka Somaliya uu soo hor dhigi doono isla markaana xilka looga qaadayo Geedi xukuumadiisana lagu ridayo.
Madaxweyne Yuusuf ayaa la sheegayaa in uu taageero xoogan ka heysto Xubno fara badan oo kamid ah Golaha Baarlamanka Somaliya kuwaasi oo feker ahaan la qaba in xilka laga qaado Cali Geedi.
Cali Mahdi Max'ed ayaa beel ahaan kasoo jeeda dhinaca Beesha R/Wasaaraha isla markaana ay suuragal tahay in xilkaasi loo dhiibo hadiiba la rido Xukuumadda Cali Max'ed Geedi.
Madaxweynaha dawladda Federaalka Somaliya C/laahi Yuusuf ayaa iminka ku sugan magaalada Baydhabo halkaasi oo uu ka wado dhaq dhaqaaq xoogan si meesha ay kaga baxdo Xukuumadda Geedi,arrimahaasina waxaa ay imaanayaan kadib Khilaaf xoogan oo so kala dhex galay.
Xafiiska wararka Boondheere.com, Baydhabo