header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (1 posted)

Golaha Midowga Afrika oo ka digay Qalalaasaha ka taagan dalka Somaliya iyo aamusnaanta beesha Caalamka.

Your Ad Here

By Anwar Thabit on December 22,2024

War shalay kasoo baxay Xafiiska Golaha Amaanka iyo Midnimada ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in xaaladda amaan darri ee ka taagan Somaliya ay ka dhigantahay caqabadaha ugu weyn ee ka jira qaaradda Afrika.

 


Qoraalkaasi ay kasoo saareen Golaha PSC xaruntoda magaalada Adis Ababa ayay ku adkeeyeen in xaaladda Somaliya ay kasii dartay bilihi ugu danbeeyay markii dagaalo qaraar ay ka dhaceen magaalada Muqdisho kuwaasi oo kumanaan qof ay ku barakaceen.


Goluhu waxaa uu ku canbaareeyay Beesha Caalamka in ay xad u sameyn waayeen dhibaatooyinka jira Somaliya halka ay Xukuumadda Federaalka iyana dhankeeda ku dadaalin sidii Mucaaradka ay ula xaajoon laheyd.


Ururka Midowga Afrika qudhiisa ayaa ku fashilmay howsha nabad sugida Somaliya markii Ciidankii ay u ballan qaadeen Somaliya oo gaarayay 8 kun kaliya laga helay 1,700 oo ka socota dalka Uganda.


Waxaa lagu wadaa bartamaha bisha inasoo aadan in Golaha PSC uu kulan muhim ah yeesho kahor inta aysan dhamaan xilliga loogu talo galay joogitaanka  Ciidamada Midowga Afrika ee Somaliya.


130 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 2 votes)
Comments (1 posted)
  • Marka hore asalaamu caleykum dhamaan akhristayaasha soomaaliyeed meelkasta ee aad joogtaan.. Waxaan Halkan doonayaa inaan Dadka soomaaliyeed u soo jeediyo ,in ay u gurmadaan walaalahooda reer Muqdisho ee ay Balaayadu ku habsatay maanta,hana loo duceeyo maqaawimadda iyo geesiyaasha soomaaliyeed ee halganka ugu jira sidii XABASHAHA uga saari lahaayeen Dhulka iyo ciida Muslimka ah ee soomaaliya ..insha ALLAH waanu Guuleysan doonaa ..Aamiin Allahayoow. Midda kale soomaaliyeed,waxa jira in maanta Qaaraddii Africa ay ka soo Baxeen Dad Asal raac Christain ah,maanta waxaa Barriga africa ka socda Olole la dagaalan Muslimka ee ay isku caacsan yihiin Dowladaha ,Kenya,Uganda,iyo Dowladda XABASHIDDA oo maanta loo maleeyo in arintaa looga baxay ka dib markii uu Mareykanku booday lacagtii uu balan-qaadka u sheegey bilowgii heshiiska .Marka soomaaliyeey AFRICA waxba ha ka sugina,ee waxaa haboon inaanu inaga qilaafkeena dhameysano .loona soo jeesto sidii XABASHADA iyo QAB-QABLAYAASHEEDA dadka looga saari lahaa.. Markii taasi dhacdo ayey soomaali nadab iyo barwaaqo/iyo Midnimo gaari doontaa ,insha allah .. sheekadu wali waxay taagan tahay ((CIDNA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA ))soomaaliya waxaa ku dhacdey HOGAAN LA'AAN..Odoyaashii kaabe qabiilkana waxay isu bedeleen AFAR_JEEBLAYAAL huuro leh!! Dar-daaran Soomaaliyeey QABIILKA ha laga haro waa aragnaa meesha uu na dhigay\,Maanta iyadoo Magaala Madaxdii soomaaliya shacabka lagu xasuuqayo in xitaa aan aduunka laga war haynin waxaa na baday waa qabiilka ee ha laga karo soomaaliyeey...Naca qurun waayee naca !!!!
    (Posted by Dhoodi, December 22, 2007, 6:41 PM)
Your Ad Here
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author
image

Abdihafid Abdisamad

Best narretor