Xoghayaha Arrimaha dibadda dalka Mareykanka Haweeneyda lagu magacaabo Gondoleeza Rice iyo R/Wasaaraha dawladda Federaalka Somaliya Nuur Xasan Xuseen Cadde ayaa kulan Muhim ah ku yeeshay magaalada Adis Ababa ee xarunta dalkaasi Itoobiya.
Kulanka labada dhinac dhex maray kadib ayay saxaafadda kula hadleen halkaasi iyagoona sheegay in ay isla soo qaadeen arrimihi ugu danbeeyay ee dalka Somaliya iyo qaabka dib u heshiisiinta lagu xoojin karayo.
Dr Rice ayaa ka sheegtay shika jaraa'id in ay isla garteen R/Wasaare Nuur Cadde in ay ka shaqeyso dawlada Federaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta isla markaana ay iska taxalujiso sidii Somalida ay isugu keeni laheyd.
Waxaa ay sheegtay Rice in Mareykanku uu ku dhiiragalinayo Soomaalida in ay dib u heshiisiin dhab ah sameeyaan isla markaana ka hortagaan dalkooda in uusan noqon meel hooy u ah waxa ay ku sheegtay Xagjirada Aduunka.
R/Wasaare Nuur Cadde ayaa dhankiisa tilmaamay in ay ka shaqeynayaan nabad galyada iyo dib u heshiisiinta,isagoona ugu baaqay beesha Caalamka in ay gacan siiyaan shacabka Somaliyeed oo uu sheegay Xaalad banii'aadminimo oo aad u liidata in ay heysato.
Nuur Cadde waxaa uu sidoo kale u sheegay Rice in ay dhankooda ku dadaalaayan dib u heshiisiiinta iyo la hadlidda dhamaan qolyaha Mucaaradka ah ee kasoo horjeeda Xukuumaddiisa.