Hay’ada UNICEF ee Qaramada .Midoobay ugu qeybasan arimaha caruurta ayaa shaacisay in magaalad casimadda ah ee Muqdisho ay ku sii badanayaan falalka kufisiga ah ee loo geysanayo dumarka Soomaaliyeed.
Hay'adda ayaa falalka kufsiga ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho waxa ay dusha kaga tuurtay ciidamada Itoobiya, waxana afhayeen u hdlay hay'adda uu sheegay in cadeymo badan loo hayo arrinkaas.
Christian Balslev Olsen oo ah ergeyga hay'adda Unicef u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay kufsadeen gabdho aad u yaryar iyo haween da' ah, isagoo xusay in ciidamada itoobiya ay magaalada Muqdisho ka geysanayaan falal ka dhan ah bini'aadanimada.
Afhayeenkaasi u hadlay Unicef waxa uu inta raaciyey in falalka kufsiga ah ee ugu badan ee ka dhaca Muqdisho ay geysaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG-ah, isagoo intaa ku daray in kufsiga xoogga ah uu magaalada Muqdisho ka noqday mid caadi ah.
Hay'daha Qaramada midoobay ayaa bilihii u dambeeyey waxa ay sheegayeenin magaalada Muqdisho ay ka jiraan falal bini'aadanimada ah ka dhan ah kuwaas oo ay geysanayaan ciidamada Itoobiya ee sanadkii hore xoogga ku soo galay ciidda dalka Soomaaliya.
Bilaajo.com
Xafiiska wararka Muqdisho.