header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930



WidgetBucks - Trend Watch - WidgetBucks.com
Somali BBC
Somali Linkz

Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Shirkadaha Diyaaradaha oo rajo xumo ka muujiyay Travel Document ay soo saartay Dowladda Federaalka.

By bilaajo1974 on November 25,2024

Waaxda socdaalka ee dowladda federaalka ayaa soo saartay waraaqo loogu magac daray Travel Document kaasi oo lasheegay in ay qaadan doonaan Xujeyda Soomaaliyeed si ay uga faa’ideystaan gudashada waajibaadka Xajka ee sanadkani.
Genaral Maxamed warasame darwiish madaxa Ciidamada Nabadsugidda Dowladda Federaalka ayaa waxaa uu sheegay in dhowaan wafdi ka socda wasaarada arrimaha dibada dowlada federaalka iyo hogaanka socdaalka ay safar ku tageen boqortooyada dalka sacuudi taas oo ay kala hadleen sidii waraaqahaasi loo dhaqan gelin lahaa.

Waraaqahaasi ayaa wax ay sheegeen in xujeyda ay ku baxayaan lakin waxaa la yaab leh in weli aysan marnaba Oran DOWLADDA SACUUDIGA WAA AY OGOLAATAY taasi oo shaki weyn gelisay shacabka Soomaaliyeed.

Hadaba Shirkadaha Duulimaada ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay ineysan qaadi doonin damaanad qaadka documentiyada ay dowlada federaalka uga tala gashay iney ku dhoofaan xujeyda soomaaliyeed kadib markii la diiday sidii ay iyaga dadka ku dhoofin jireen oo aanan weligii dhibaato laga soo sheegan.

Xujeyda Sanadkani ayaa dhibaato weyn wax ay kala soo gudboonaatay dhanka Safarkooda kuwaasi oo iminka ku jahwareersan sida laga yeelayo safarka iyo waxa ay ku safrayaan oo aanan la ogeyn illaa iyo iminka wax la isku hubo oo la isku raacay in lagu safri karo, waxaana dhibaatadani ay dhalatay kadib markii Dowladda Federaalka ay adkeysatay Ammaanka garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde iyada oo dooneysa keliya in hawlaha safarka lagala xiriiro xilli aanan waxba u hagaagsaneyn


108 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 0 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author