Xidiga AC Milan's Ronaldo iyo Xidigii ciyaaraha ka fariistay ee Zinedine Zidane ayaa markii ugu horeysay dib ugu soo laabtay dalka Spain laga soo bilaabo tan iyo xilligii ay u ciyaarayeen kooxda Real Madrid iyagoo xalay halkaa ku yeeshay kulan ay kala hogaaminayeen labadooda (Ronaldo Vs Zidane) taasoo ku saabsaned ciyaar kaalmo looga aruurinayay dadka ku gaajeysan aduunka oo loogu magaca daray (United Nations charity match).
Ku dhawaad 30,000 taageerayaal gaaraya ayaa ciyaartii xalay ka soo qeyb galay taasoo aheyd ciyaartii 5-aad ee ay UN soo qabanqaabiyaan lagulan dagaalamayo faqiirnimada iyo Gaajada Aduunka (Match Against Poverty).
Ciyaartaan waxaa si gaar ah u soo agaasimay legends Zinedine Zidane iyo Ronaldo taasoo qeyb ka ah shaqadooda ay u hayaan hayada xaga hormarinta u qaabilsan UN-ka ee the United Nations Development Programme (UNDP).
Former France captain Iyo Real Madrid star Zidane Iyo Brazil striker Ronaldo, ayaa waxey hayadaasi ka yihiin Goodwill Ambassadors for the UNDP, waxeyna shaqadaasi soo wadeen tan iyo 2003.
Dadkii u soo daawasho tagay ciyaartaasi ayaa lacag u dhaxeysa 10 ilaa 25 euros ku goostay tickets ay ciyaartaasi ku soo galeen taasoo u dhaxeysay labo team oo look ala bixiyay 'Friends of Zidane' iyo 'Friends of Ronaldo' waxeyn ku soo idlaatay 2-2.
Xidiga 7 mar ku guuleystay ciyaarta lo yaqaan Formula One champion Michael Schumacher iyo xidiga ciyaarta golfer Sergio Garcia ayaa ciyaarta xalay ciyaarayay sidoo kale.
'aad ayaan u daalay,' sidaa waxaa ku kaftamay Zidane markii la badalay daqiiqadii 57th. 'waan sii wadi doonaa inaan sii ciyaaro ayuu ku sii darsaday.'
Ronaldo, oo Madrid ka tagay bishii January ayaa kulankii ugu horeeyay xalay ciyaaray sanadkaan sababo xaga dhaawaca ah.
'aad ayaan u faraxsanahay. Ciyaar la yaab leh ayeey aheyd,' Ronaldo ayaa sidaa sheegay markii lagu badalay Almeria' s Alvaro Negredo daqiiqadii 30th.
Garsoore Pierluigi Collina oo talyaaniga u dhashay dalka Italy ayaa ciyaartii xalay garsoorayay.