header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Gudoomiyaha degamada Afgooye oo ka badbaaday Qarax Saaka lagula beegsaday degmada Afgooye.

By bilaajo1974 on October 25,2024

Gudoomiyaha degmada Afgooye Caaqil Max'ed Cumar Moodeey ayaa ka badbaady qarax miino oo saaka lagu beegsaday gaarigiisa iyadoona qaraxasi ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 5 qof oo uu kamid ahaa Xogheyntii Gudoomiyaha.

 


Sida aanu kasoo xiganay Wariye Xasan Matoore gudoomiyaha degmada ayaysan waxku gaarin qaraxaasi oo ka dhacay Xaafadda Dhagax Tuur ee degmada Afgooye,xaaladuna ay tahay iminka mid iska degan.


Dhaawacyada qaraxa oo uu ku jiro Xogheyntii Gudoomiyaha Cusmaan Max'ed Abiikar ayaa loola cararay Cusbitaalka guud ee magaalada Afgooye halkaasi oo iminka lagula tacaalayo.


Ilaa iyo iminka lama oga kooxihii ka danbeeyay weerarkaasi iyadoona ay iminka isku geedaameen goobta qaraxu ka dhacay Ciidamo aad u fara badan oo kamid ah Maamulka degmadaasi si ay amaanka u sugaan.


94 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 1 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author