header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031




Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Ra'isal Wasaare Geeddi oo Adis Ababa uga dhawaaqi doono inuu is casilay.

By bilaajo1974 on October 24,2024

Ra'isal wasaaraha xakuumada KMG ah Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta safar degdeg ah ugu ambabaxay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.


Ra'isal wasaaraha ayaa diyaarad qaas ah oo ay u soo dirtay Xakuumada Mele Zenaawi ay ka qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo iyadoo safarka maanta ee Adis Ababa uu noqonaya kii labaad oo muddo Toddobaad ka yar uu halkaa ku gaaro.

Illo ku dhow dhow xafiiska Ra'isal wasaaraha oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa sheegaya in Ra'isal wasaaraha uu marka uu gaaro Adis Ababa uu ku dhawaaqi doono inuu is casilay.

Wararka is casilaada Ra'isal wasaare Geeddi markuu uu tago magaalada Adis Ababa ayaa qaar ka mid ah mas'uuliyiinta dowladda KMG ah ay u xaqiijiyeen Cakaarra Online.

Dhowr iyo labaatan wasiiro ka tirsan Xakuumada Geeddi ayaa codsaday in Xakuumada Geeddi ay codka kasloonida weydiisato baarlamaanka iyagoo u cuskanaya qodobka 11aad ee dastuurka inkasta oo Ra'isal wasaaraha uu arrintaas ka biya diiday.

Safarka Ra'isal wasaare Geeddi ee magaalada Adis Ababa ayaa ku soo beegamaya xilli magaalada Baydhabo ay ka soconayaan khilaafyo baahsan oo u dhaxeeya mudanayaasha baarlamaanka iyo weliba tartan kala iibsiga xildhibaanada oo noqday maalmahan dambe hadal heynta ugu badan magaalada Baydhabo.


Ra'isal wasaaare Geeddi ayaa warar soo baxaya ay sheegayaan inuu marka uu tago magaalada Adis Ababa uu uga sii gudbi doono dalka Sacuudiga halkaas oo uu wadahadalo kula yeelanayo madaxda dowladda Sacuudiga.

 


200 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 2 votes)
Comments (0 posted)
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed
Featured Author