Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho oo xalay lagu weerary hoobiyayaal ayaa imminka howlaheeda shaqo si caadi ah u socdaan mana jiraan wax saameyn ah oo ay ku yeesheen Hoobiyaashii xalay lagu bartilmaameysaneyey
Xalay ayaa la maqaley dhowr madfac oo lagu tuurayey Dekadda weyn agagaarkeeda waxaana qaar ka mid ah Hoobiyayaasha ay ku dhaceen xarun ay degan yihiin ciidamada Uganda oo ku taala dekadda iyadoo halkaa ay dhaawacyo ka soo gaareen seddax ka mid ah ciidamada Uganda ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.
Sidoo kale Hoobiyayaashii xalay ayaa ku dhacay xaafado ku dhow dhow dekadda iyadoo qof uu ku geeriyooday kuwa kalana ay ku dhaawacmeen kuwaas oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.
Xaladda Dekadda ayaa saaka degan iyadoo ay si caadi ah u socdaan howlaha shaqo ee dekadda waxaana imminka dekadda ku xiran ilaa Afar Markab kuwaas oo qaarkood sida Shidaal islamarkaana imminka lagu wado howla dajin ah.
Afhayeenka ciidamada AMISOM Captain Paddy Ankunda ayaa sheegay in ciidamadooda xalay ku dhaawacmay weerarada uu dhaawacoodu fudud yahay imminkana lagu daweenayo xarunta AMISOM ee Muqdisho.
Duqeynta xalay ee dekadda weyn iyo agaagaraheeda ayaa ku soo beegmaya xilli uu
Afhayeenka ciidamada AMISOM Captain Paddy Ankunda sheegay shalay inay ciidamo ku xoojinayan Dekadda weyn iyo agagaarkeed kaddib markii ay ka war heleen in la doonayo in weerar lagu soo qaado Xabsiga ku dhow dekadda oo uu ku xiran yahay guddoomiyaha maxkamada sare Yuusuf Cali Haaruun oo dhawaan wareegto ka soo baxday xafiiska madaxwaynaha dowladda KMG ah lagu xiray.